kenya: Taliyhii Hore Police-ka Kenya Maxamed Xassan Cali oo Maxkamada Dambiyada Dagaalku Eedaysay

Thursday December 16, 2010 - 11:01:03
0 Comments
1863
Super Admin
Taliyhii Hore Police-ka Kenya Maxamed Xassan Cali ayaa Maxkamada Dambiyada Dagaalku ee Heeg ku eedaysan Masuuliyiin uu ku jiro oo ah 6 in ay ka dambeyey Xasuuqii xumaa ee 2008 ka dhacay wadanka kenya ka dib doorashadii laga Murmay

lixda Nin ee Maxkamadu ku eedaysan in ay lug ku lee yihiin Xasuuqa ayaa kala ah

  1. Wasiirka MaaliyadaUhuru Kenyatta oo ah wiil uu dhaley Jomo Keneyata Maxadwaynihi Hore
  2. Wasiirka Warshadaha Henry Kosgey Miczok
  3. Xoghayaha guud ee Madaxtooyada Kenya ahna madaxaAdeega BulshadaFrancis Muthaura
  4. Taliyihii hore ee Booliska Kenya Maxamed Xuseen Cali
  5. Joshua Arap Sang oo ah madaxa Idaacada ugu awooda badan keneya

Lixdaan nin oo shan kamid ah aan magacooda helney ayaa maxkamada caalamiga ah ee Dambiyada sheegtey in looga shakisan yahey Xasuuqii 2008 ka dhacey Kenya iney ku luglahaayeen.

Major General Maxamed Xasan Cali waxaa taliyaha Booliska Kenya loo magacaabey sanadkii 2004 waxaana si toosa u magacaabey madaxweynaha, wuxuuna xilka kala wareegeyEdwin Nyaseda, wuxuu markaas ka tirsanaa ciidanka Difaaca Cirka,wuxuuna noqdey taliyihii Boolis eeugu horeeyeyoo xilkaan loo dhiibo isagoon boolis aheyn.waxaa hadana xilka laga qaadey markii rabshadihii Kenya ka dhacey ay dhamaadeen sanadkii 2008, inkastoo markii rabshadihii lagu xasuuqey Kumayaal rayid ah uu isagu xilka Hayey.

Maxamed Xasan Cali wuxuu asal ahaan kasoo jeedaa Soomaaliya,wuxuuna sanadkii 1956ku dhashey magaalada Eldoret ee dalka Kenya,sanadkii 1977 ayuu kusoo biirey ciidanka Kenya

Mohamed Kenyawi

Related Items


Leave a comment