Jabuti:Wasirada Caafimadka DFKM iyo Pl ayaa ka qayb galay shir looga Hadlayo Nafaqo darada ka jirta Somalia

Thursday December 16, 2010 - 11:29:41
0 Comments
1345
Super Admin
Wasirada Caafimadka DFKM iyo Pl ayaa ka qayb galay shir looga Hadlayo Nafaqo darada ka jirta Somalia shirkaan oo ku qabsoomay Wadanka Jabuti

Shirkan ayaa labadii maalmood ee Isniinta iyo Talaada waxaa uu ka soconayay Hotelka KAPRISKI ee magaalada Jabuuti, shirkan waxaa ka qaybgalay labo wafti oo ay kala hogaaminayeen Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame iyo Wasiirka caafimaadka dawlada KMG ah ee Soomaaliya Dr. Adan Xaaji iyo qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah waxaana shirka qabatey IGAD.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo samayn lahaaa Siyaasad midaysan oo ku aadan nafaqaynta dadka dhibaatadda nafaqa daradu ay hayso ee soomaliyeed sanadaha 2011-2013 ka. Shirkaan oo madaxda caafimaadka soomalidu muujiyeen wadashaqayn weyn iyo mowqif midaysan ayaa waxaa si qoto dheer looga hadlay qoraal qabyo ku saabsanaa siyaadda ku wajahan quudinta iyo nafaqaynta dadka dhibaatada nafaqaradu haysato saddexda sanno ee soo socota.

Shirkaan ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaray abaaraha laga baqayo inay ka dhacaan Dalka gaar ahaan gobolo ka mid ah Puntland, ayadoo roobkii dayrta la waayey. Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland ayaa wuxuu muujiyey wal wal uu ka qabo abaar iyo biyo la’aan soo wajahda gobolada Puntland, wuxuuna codsaday in loo istaago in qorshe midaysan oo loogu diyaar garoobayo ka hortaga abaaraha la sameeyo.

Intii uu socdey Shirkaan ayaa waxaa u suurta gashay wafdiga Puntland iyo kan DKMG madaxdoodu inay si hufan oo midaysan uga wada hadlaan arrimaha caafimaadka dalka iyo sidii si wada jir ah loogu istaagi lahaa badbaadinta shacabka soomaaliyeed ee la il daran caafimaad darada iyo waliba nafaqa xumida.

Ugu danbayntii shirkaan oo ku soo gabagaboobay jawi heer sare ah iyo is afgarad ayaa waxaa lagu ansixiyey isla markassna lagu saxiixay qoraalkii kama danbaysta ahaa ee ku saabsanaa siyaasadda nafaqaynta ee 2011-2013, waxaana la isla gartay in shirka kiisa kale lagu qabto magaala madaxda Puntland ee Garowe. Wasiirka caafimaadka Dowladda Puntland ee soomaaliyeed Dr. Cali C/laahi Warsame ayaana martiqaad rasmi ah u fidiyey dhigiisa wasiirka caafimaadka DKMG Dr. Adan Xaaji inuu Booqasho ku yimaado Puntland, taas oo uu Wasiirka caafimaadka dawlada KMG ah ee Soomaaliya uu uga mahadceliyey dhigiisa dawlada Puntland martiqaadka iyo walaaltinimada uu kusoo dhaweynayo Puntland.

Abdi mohamed seeraar

Related Items


Leave a comment