mogdisho: Raisalwasare Farmaajo oo caro ka muujiyey Xildhibaka dekada hakadka galiyey howleheeda shaqo

Friday December 17, 2010 - 18:10:59
0 Comments
1612
Super Admin
Raisalwasare Maxamed C/laahi Farmajo ayaa caro ka muujiyey Xildhibaka dekada hakadka galiyey howleheeda shaqo asaga oo sheegay in ay la xisaabtami doonto dowladu Xildhibaan Furax oo ah xildhibaanka melayshiyadiisu Dekeda Xiratay

Ra’iisul Wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo oo shalay tagay Muqdisho ayaa markii lala socodsiiyay xeritaanka Dakeda Muqdisho waxa uu muujiyay cara xoogan oo arintaasi ku aadan isagoo faray in talaabo laga qaado cidii ku dhaqaaqday falkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sheegay in laga soo gudbay xiligii shaqaaqo iyo qalalaaso laga dhex abuuri lahaa goobaha dowlada maamusho iyo shaqooyinka Dowlada ka wado dalka taasi oo uu ku sifeeyay mid aan la qaadan karin.

Afhayeenka Dowlada Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa saxaafada u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu amray in sharciga waxa uu ka qabo la mariyo Xildhibaan Furux oo ahaa ninkii xeray muddo Laba maalmood ah dakada Muqdisho.

Amarka Farmaajo ee ku aadan talaaba ka qaadida Xildhibaanka xeray dakada Muqdisho ayaa imaanaya xilli Dakada ay hada howsheeda caadiga ah wadato markii Wadooyinka dakada soo galo lagu daadiyay Ciidanka Amisom iyo kuwa Militari ah.

Related Items


Leave a comment