Somaaliya Oo Saxeexday Sharciga Iyo Shaqo Abuurka Ururka Iskaashiga Islaamka.

Friday November 24, 2023 - 15:01:04
0 Comments
ahmed raajaa
Muqdisho
Wasiiru-dawlaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Aadan, ayaa magaalada Baku ee Jamhuuriyada Azerbaijan ku saxeexey sharciga xarunta shaqada ee ururka Iskaashiga Islaamka.

Wasiiru-dawlaha ayaa ka qeybgalay kalfadhigga ururka,kaas oo looga hadlaayey meelmarinta sharciga ee xarun loogu talagalay shaqo abuurka iyo ilaalinta bulshada ee dawladaha ku bahoobay ururka Iskaashiga Islaamka

Xaruntan ayaa ujeedkeedi yahay in ay wax badan ka qabato caqabadaha shaqo la’aanta dhalinyarada iyo sidii dhalinyarada loo siin lahaa tababaro la xiriira suuqa shaqada si ay u horumariyaan xirfadahooda shaqo.

Dawlada Soomaaliya guul-weyn ayay u tahay in ay saxiixdo sharciga xaruntaan oo muhiimad  u leh qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed sida ay qortay wakaalada wararkasomaaliya.

Illaa hadda 16 dal oo kamid ah ururka Iskaashiga Islaamka ayaa saxiixay sharciga xaruntaan,waxaana dalalkaasi ka qeybgalaya kalfadhigga ururka ee ka dhacay Azerbaijan kamid ah Jamhuuriyada Ciraaq, Falastiin, Burkino-Faso, Uzbekistan, Jabuuti iyo Jamhuuriyada Soomaaliya.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment