Mogdisho: Hub Dowlada lagala baxsaday oo dib loo qabtay

Friday December 17, 2010 - 18:36:58
0 Comments
1200
Super Admin
Hub Dowlada lagala baxsaday oo dib loogu qabtay xaafada Ex-control hubkaas oo ahaan noocyada kala duwan ee hubka culculus iyo kan fudfudud

Gaarigan oo ay la socdeen Laba Askari oo Dowlada ka tirsan balse aan darees wadan ayaa saaka la qabtay xilli ay doonayeen in ay Hub iyo rasaas ay la soo goosteen u gudbiyaan dhanka Islaamiyiinta Alshabaab.

Gaariga oo laga soo dhigay mid raashin wada ayaa waxaa qabtay askari Booliiska ka mid ah oo shaki ka qaaday waxaana markaasi ka dib baaritaan marsiiyay Ciidanka Dowlada KMG ah Ee fadhiga ku leh Isgoyskaasi.

Hubka saarnaa gaarigaasi ayaa u badnaa qorya gacmeedyo gaarayay 50-qori iyo rasaas sanaadiiq ka buuxday oo la doonayay in laga soo iibsado Islaamiyiinta Kooxda Alshabaab oo ku sugaysay Deegaanka KM.13.

G/sare Axmed Xasan oo ah sargaalka haysta Ciidanka ku sugan Ex-Control ayaa warbaahinta u cadeeyay in ay qabteen gaariga hubkaasi u waday alshabaab markii lagala soo goostay xerooyinka Ciidanka.

Gaariga BG-ga ah ayaa waxaa laga lahaa Xerada Ciidanka Ee Villa Baydhabo oo shalay uu booqasho ugu tagay Madaxweyne Sheekh Shariif waxaana la aaminsan yahay in Hubkaasi shalay uu geeyay madaxweynaha xerada Ciidanka.

Inta badan Ciidanka Dowlada ayaa waxa ay iibsadaan hubka la siiyo waxaana ay askarta Dowlada iyo saraakiishooda ay yihiin kuwa iska war haya xiliga falalkaasi Iibsiga Hubka lagu dhaqaaqayo taasi oo dhaawac iyo dhabar jab ku ah awooda Dowlada.

Related Items


Leave a comment