Garowe: Gobolada SOOL iyo GADO ayaa ku guuldaraystay in ay gaaraan wareega Finalka Kubada Cagta ee Gobolada Somalia

Friday December 24, 2010 - 16:17:46
0 Comments
1926
Super Admin
Garowe: Gobolada SOOL iyo GADO ayaa ku guuldaraystay in ay gaaraan wareega Finalka Kubada Cagta ee Gobolada Somalia ee ka socda Caasumada maamulka Puntland Garowe
Gobolada Gobol ee Sool & Gedo ayaa shalay si toos ah uga harey wareega ciyaaraha ka socda gobolka nugaal ee magaalada garoowe.

Ciyaaraha shalay ayaa ahaa ku aad u adkaa isla markaasna ay doonayeen inay labada gobol ee Sool & Gedo,waxaana ay doonayeen inay ka badiyaan labadii kooxood ee ay wada ciyaarayeen.

Gedo waxay la ciyaartey gobolka Banadir,waxaana ciyaartoodu ku dhamaatey Banadir oo guushu ku raacdey 3-2,waxaana halkaas ku harey sool & Gedo.

Hadii Ciyaarta Gobollada Gedo & Banadir ay ku dhamaan lahayd waxaa soo bixi lahaa Gobolka Sool oo isagu ciyaarihii uu galay oo dhan ku dhameystey barbar dhac.

Dhanka kale waxaa ciyaartii dhex martey gobollada Mudug & sool ku soo dhamatey barbar dhac iyagoo wada galay 1-1 ,waxaana halkaas ku harey gobolka Sool.

Mohamud Abdikadir

Related Items


Leave a comment