BTS: Dowlada oo baahisay Hishiisay la gashay Shirkada Amaanka ee SARACEN Internation

Saturday December 25, 2010 - 08:04:10
0 Comments
1018
Super Admin
Wasiirka Warfaafinta DKM ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay Magalada Muqdisho kaga war bixiyey Hishiiska dowlada iyo Shirkad Amaan shex maray hishiiskaas oo uu saxiixay wasiirka maaliyada DKM, Shirkada Lagu magacaabo SARACEN International ayaa dowladu sheegtay in ay ka caawin doonto Tababarka Ciidamda Ilaalaya Masuuliyinta Dowlada

Wasiirka warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya C/kariin Xasan Jaamac oo maanta saaxafadda kula hadlayay Xarunta wasaaradda Warfaafinta ee magaalaeda Muqdisho ayaa waxaa uu faah faahin dheere ka bixiyay hishiis dowladda ay laga shay shirkad layiraahdo Saracen International oo dowladda ka gacan siin doonta taba barada ciidamada ee dowladda.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay shirkii golaha wasiirada ee maalmihii u dambeeyay ay ku yeelanyeen magaalada Muqdisho intiisa badan ay kaga hadlayeen xiriirka ka dhaxeeya dowladda KMG Soomaaliya iyo Shirkaddaasi.

Wasiirka warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya C/kariin Xasan Jaamac waxaa uu sidoo kale sheegay in hishiiska dowladda ay la gasahay shirkadda Saracen International uu saxiixay Wasiirka Maaliyadda dowladda.

Wasiirka ayaa waxa uu inataasi ku daray in hishiiska lala galay shirkadaasi uu quseeyo tababarka ciidamada ilaaliya Madaxda sare ee dowladda KMG iyo arimaha bini’aadanimada sida tayactirada Isbitaalada, waxaana uu sheegay in markii uu dhacay hishiiskaasi kadib ciidamada AMISOM warqad ay u gudbiyeen xafiiska madaxweynaha dowladda KMG taasi oo ku aadaneed waxyaabaha ay qabanayso shirkadaasi maadaama AMISOM ay si gooni ah u ilaaliso Madaxda sare ee dowladda iyo Hay’adaha muhiimka ah, Wasiirka ayaan intaas raaciyey in aysan wax dhib ah iyo u keeni doonin shacabka iyo cid kale ba howshooduna tahay oo kaliya in ay Ilaaliyaan Madaxda sarsare ee DKM siduu horey u sheegayba.


Related Items


Leave a comment