Galkacyo: Waftiga dowlada FKM ee nabadayta Mudug oo Muqdisho U duulay

Saturday December 25, 2010 - 14:48:58
0 Comments
993
Super Admin
Raisalwasare kuxigeenka Dowlada FKM ahna Wasiirka Qorshayta iyo Xiriirka Caalamiga C/wali Maxamed Cali iyo waftigiisii xalinta Colaada Mudug ayaa Maanta ka dhoofay Garoonka diyaradaha Magalada Galkacyo.


Ka hor inta aysan waftigu duulin ayaa Raisalwasare ku xigeenka Ahna wasiirka Qorshayta waxa uu shir jaraa'id oo uu garoonka ku qabtay sheegay in ay guul ka gaareen Xabad joojintii Beelaha asaga oo xusay in ay Kulamo ay la qaateen Bulshda qaybeheeda kala duwan iyo beelaha Colaadu dhex martay .

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay kulamo la qaateen madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug oo ay wehliyaan wax garadka gobolka Mudug, isla markaana la isla gartay in si Walaalnimo leh loo xaliyo khilaafka beelaha u dhaxeeya, wuxuuna tilmaamay in howshaas ay sii wadayaan wax garadka deegaanku.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Generaal Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid” ayaa ka mid ah ergada isu xilsaaray xalinta mashaakilka ka taagan gobolka, wuxuuna sheegay R/wasaare ku xigeenku in uu dowr fiican ka qaatay socdaalkii nabadeed ee ay ku tageen Mudug kaas oo maanta ay kaga tagayaan nabad lagu kalsoon yahay oo sii socta ee dhex marta beelaha walalaha .

Maxamed Shuuriye Galkacyo BTS



Related Items


Leave a comment