Gedo: Xarakada Shabaab oo Gudi qiimeeya u saartay Abaraha Gedo

Monday December 27, 2010 - 01:09:56
0 Comments
915
Super Admin
Xarakada Alshabaab ee Gobolka Gado ayaa Magacowday Gudi isugu jira Odayaal dhaqameed iyo Xubno ka tirsan Xarakada Shabaab oo gaarya 8 xubniid juwaas oo qiimeeyn ku sameeya Xaalada Abaareed ee ka jira Gobolka Gado
Gudoomiyaha Gobalka Gedo Sheekh Bashiir Aadan Xassan oo warbaahinta Munaasabada Gudiga lagu magacabay kala hadlay waxa uu sheegay in guddigaani ay wax ka qaban doonaan xaaladaha abaareed ee ka jira qeybo ka mid ah gobolka Gedo, isagoo tilmaamay in marka hore ay soo qiimeen doonaan goobaha ugu daran ee abaartu ay ka jirto.

Gudoomiyaha gobolka Gedo ee Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa uu ugu baaqay dadka wax haysta ee ku nool halkaasi in ay is xil qaamaan islamarkaana ay caabiyaan dadku ay abaartu saamaysay ayna la shaqeeyaan guddiga la magacaabay.

Qeybo farabadan oo ka mid ah gobolada Koofurta iyo Baratamaha Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan abaaro baahsan oo si aad ah u saameeyay dadka iyo duunyada, iyadoo mudooyinka dambe ay isa soo tarayeen cabashooyin kala duwan oo ka imaanayay bulshada ku nool goobaha ay abaartu ku dhifatay sido kalena ka codsanayey caalanka iyo Maamuladaba in ay la soo gaaraan caawimaad.

Ahmed Abuukar Gedo
BTS Online

Related Items


Leave a comment