BTS: Kulan dhexmaray Madaxwaynaha Iran iyo Gudomiyaha Barlamanka Somalia

Tuesday December 28, 2010 - 00:12:01
0 Comments
1399
Super Admin
Madaxweynha Dalka iiran Mohamoud Ahmadi najaad ayaa Xafiiskiisa ku qaablay Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamka somaliya Shariif Xassan Shiikh Aadan oo ku sugan hada wadanka iiran ayaga oo ka wada hadlay xaalada dalka somaliya

Madaxweynaha dalka Iiran Axmed Najad ayaa waxa uu sheegay in dawlada Iiraan ay taageerayso dadaalada loogu jiro nabad iyo xasilooni ku soo dabaalida dalka Somaliya.

Madaxweynaha dalka Iiran ayaa waxa uu tilmaamay in falalka ay samaynayaan kooxaha mayalka adag ay tahay in caalamka Islaamku ay meel uga soo wada jeensadaan iyada oo iskaashi dhinaca caqiidada iyo aqoonta ah loo baahan yahay inuu dhex maro dalalka Iskaamka ,waxana uu dalalka Shisheeye dusha uga tuuray in ay ka dameeyaan.

Madaxweynaha dalka Iiraan waxa uu carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in labada barlamaan ee Somaliya iyo Iiran ay iskaashi sameeyaan kaas oo xoojinayaxiriirka u dhexeeya labada dal,waxana uu intaa ku daray in xukuumadiisu ay taageerayso isu soo dhowaansho iyo iskaashi ay yeeshaan labada barlamaan.

Afhayeenka Baarlamanka somaliya ayaa asaguna halkaas ka war bixiyey shirarkii goonidoonida ahaa ee uu la yeeshay madaxda dalka iiraan sido kalena u mahad caliyey Madaxda, waxaa kale oo uu sheegay in ay qiimayn way u lee dahy booqashadooda wadanka islamka ah ee iiran ayna wada shaqayn doonaan.


Mohamed Saciid BTS China

Related Items


Leave a comment