BTS: Burcad Badeed somalia oo gacanta ku dhigay Markab laga lee yahay Jarmalka

Wednesday December 29, 2010 - 11:13:37
0 Comments
990
Super Admin
Burcad badeed somalia ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Markab laga lee yahay wadanka Jarmalka kaas oo ay ka soo qabteen Meel aad uga fog biyaha Somalia

Markabkan ayaa la sheegey inuu burcad badeeda soomaaliyeed uu gacanta u galay saacadihii la soo dhaafey ka dib markii ay ku weerareen gantalaha garbaha laga tuuro & doonyaha dheeraya.

Markabkan oo lagu magacaabo MV EMS RIVER oo ay saarnayeen shaqaale 8-deed ah ayaa la sheegayaa inay burcad badeeda soomaaliyeed la wareegeen gacan ku hayntiisa,waxaana ay ula soo jihaysteen dhinaca xeebaha dalka soomaaliya.

Burcad badeeda ayaa markabkaasi ka soo qabsadey meel 175 mile u jirta Dekeda Magaalda Salalah ee dalkaasi cumaan,waxaana la sheegey inay shaqaalaha markabka ku amreen inay isdejiyeen oo aanay alarm ka riidin.

Gacan ku dhigista markabkaasi ayaa imaanaya xilli ay burcad badeed soomaali ah ay sii dayeen markab laga lahaa isla dalkaasi Jarmalka oo ay ka qaateen lacag dhan 5.5 malyan oo lacagta mareykanka ah ayada oo kana yahay mid kale oo doonaya madax furasho lacageed .

Saadiq huruuse Canada Ottawa BTS Online

Related Items


Leave a comment