BTS: Dhakhaatiir Ajnabi iyo Somaliya oo Burtinle Gaaray " Sawiro/Warbixin"

Sunday January 02, 2011 - 09:45:24
0 Comments
1249
Super Admin
Waxaa si wayn loogu soo dhaweeyey Dagmada burtinle Dhakhaatiir isugu jira Anjabi iyo somali kuwaas oo si mutadawacnimo ah uga howl gali doona Dagmada Burtinle.

Waxaa soo gaaray Dagmada burtinle ee gobolka Nugaal Dhakhaatiir la sugayey maalmihii dambe oo isugu jirta labo dhakhtor oo u kala dhashay Wadamada Ukrine iyo Masar iyo sidoo kale ilaa Saddex dhakhtar oo somalia kuwo ka mid ahna ay ka yimaadeen dibada.

Waxaa si heer saraa loogu soo dhaweeyey meel Magaalada u jirta qadar 10 Km ah Dhakhaatiirta oo ay la socdeen Madax ka tirsan wasaarada Caafimadka Puntland Agaasimayaasha Isbitalada Galkayo iyo Garowe .

Waftiga iyo dhakhaatiirta ayaa waxaa la geeyey hotel ka mid ah hoteelada ugu wanaagsan Dagmada Burtinle ayada oo halkaas loogu warbixiyey loona sheegay sida loogu heelan yahay loogana suagayey Dagmada Burtinle, waxaa kulan kaa hadalo ka jeediyey dad badan oo ka mid ah Dagmada waxgaradkeeda .

madaxda ka hadashay goobta soo dhawaynta waxaa ka mid ahaa C/xaafid C/risaaq oo ahaa Xoghayihii hore dagmada hada ah xubin ka mid ah Gudiga joogtada ee Dagmda asaga oo u sheegay sida loogu baahan yahay iyo arimaha ka jira dagmda una sheegay in maamulku aad ugu soo dhawaynayo howsha ay allah dartii uga qabanayaan bulsha.

Waxaa kale oo halkaas hadal ku saabsan sida loogu diyaar gareeyey Xarunta ay ka howgalilaahyeen iyo dadka sugayaa ka warbixiyey Agaasimaha Isbitaalka Dagmada Burtinle Maxamuud Garbawayne asaga oo u sheegay in ay qoreen baahida jirta awgeen dad ku dhow 1000 qof kuwaas oo dhamaan baahi jirta keentay asaga oo sheegay in ay u diyaariyeen in ay ka how galaan Isbitaalka dagmada burtinle oo qaybo ka mid ah hada wali ay socdan dhismihii hospitalka.

ugu Dambaytii waxa halkaas ka hadlay mid ka mid ah Dhakhaatiirta Ajnabiga ah iyo Madaxa isbitaalka gaalkacyo ee Gobolka Mudug madaxa Hospitalka gaalkayo oo la hadalyey dadka Burtinle ayaa u sheegay in Ay ugu deeqeen dagmada daawooyin badan sidoo kalena sheegay hada ka dib wixii daawo ah oo helo isbitaalka gaalkacyo in ay wax ka siin doonaan Dagmada una sheegeen Wasaarada Caafimaadak iyo Hay'adaba in dagmada laga caawi xaga daawooyinka iyo qalabaynta hospitaalka.

Dagmada Burtinle ayaa si wayn looga dareemayaan imaansha Dakhaatiirta oo mudo joogi doona ayaga oo lagu wado in ay u gudbaan magaalooyinka kale

Muhannad Abdigani gelle

Director BTS Onlie

ka Dhiibo fikirkaaga Commentiga

Gidaarka hospitalka D/ BurtinIrida Banaanka waqti hore

Suldan Maxamed Axmed Cabdile iyo dhakhar ka mid ah Ajnamiga Daawo iyo Agaasyasha Hosptalad

Related Items


Leave a comment