BTS: Madaxwayne Shariif oo dalbaday in Dastuurka bil lagu sameeyo

Sunday January 02, 2011 - 10:00:23
1 Comments
1119
Super Admin
Madaxwaynaha Dowlada FKM Mudane Shariif sheekh Axmed ayaa dalbaday in Dastuurka lagu sameeyo bil gudeheed asaga oo sheegay in loo bahan yahay in tastuurka la sameeyo ka hor inta waqtiga dowlada u harsan dhamaan
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay in Darstuur u samaynta dalka Soomaaliya uu u baahan yahay shaqo badan iyo in laga shaqeeyo xiliga u dhiman dowladda KMG Soomaaliya si loo ogaado is badalada soo socda.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in mudo 30-maalin ah lagu soo diyaariyo Dastuurka dalka loona ogaado waxa qabsoomay bilaha horey iyo wax dib loo dhigay, isagoo sheegay in 30-kaasi maalin kadib la horgeeyo barlamanka si uu u ansixiyo.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in inta uusan gaba gaboobin xiliga u haray dowladda ka hor la’iska rabo in Dastuurka la diyaariyo si loo ogaado xiliga kala guurka, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda ay ansixisay ku dhaqanka shareecada Islaamka oo uu sheegay in loo baahanyahay in uu hergalo, isagoo carabka ku dhiftay in mudo 20-sano ah uu bur bursanaa dalka, wuxuuna sidaasi owgeed uu tibaaxay in loo baahanyahay xal siyaasadeed oo ku jira Dastuurka dalka.

Dastuur u samaynta dalka Soomaaliya ayaa waxaa horey isugu khilaafay Madaxweynaha dowladda KMG Soomalaiya iyo Ra’iisul wasaarihii Xukuumadii hore ee Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke kadib markii ay ku kala aragti duwanaadeen taasi oo keentay in Xildhibaanada barlamanka KMG ay laka saftaan labada Mas’uul, iyadoo ugu dambayntii uu xilka isaga dagay Ra’iisul wasaarihii hore ee Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke isqabqabsigii ka dib taas oo markii dambe madaxwaynuhu soo magacaabay raisalwasarah hada xilka mudada kooban haya ee maxamed C/laahi farmaajo.

Related Items

Comments


Leave a comment