Yemen: Doono waday tahriib oo ku qarqarday Badwaynta kulaalsha Yemen

Tuesday January 04, 2011 - 10:49:34
0 Comments
921
Super Admin
Tahriibayaal isugu jira Somali iyo ethoipian ayaa waxaa la gudoontay doonidii ay wateen ayaga oo ku sii jeeda Wadanka Yemen.

Doonyahan ayaa la xaqiijiyey inay ku wajahnayeen xeebaha dalakasi Yemen,waxaana saarnaa soomaali & itoobiyaan aad u badan,waxaana la sheegey inay tiro badnayeen itoobiyaanku.

labadda doonyood mid ayaa la sheegey inaysan jirin cid ka badbaadey ilaa & hadda,waxaana la sheegayaa inay laba ruux oo soomaali ah oo xaaladoodu liidato laga helay xeebta dalkasi.

Doonyahan ayaa la sheegey inay ku wajahnayeen wadanka Yeman,waxaana dhibaatadaasi timid ka dib markii ay doonyahaasi ay dhibaato u geysteen dabaylo aad u xoogan oo ku halay badda dhexdeeda.

Maaha markii ugu horeysey ee soomaali & itoobiyaan ay ku naf wayaeen xeebaha dalkaasi,waxaana la sheegayaa inay saacadihi la soo dhaafey xeebaha dalkaasi Yeman ku geeriyooden in kabadan 80 ruux oo soomali & itoobiyaan ahi kuwaas oo u socday Tahriib sia y u helaan nolol ka badalan tay ka soo carareen.

Caalami BTS Online

Related Items


Leave a comment