BTS: Wasaarada Caafimadka DFKM ayaa shaacisay in Dhawaan hospitaal Martiini uu shaqo bilaabi doono

Wednesday January 05, 2011 - 10:06:35
0 Comments
1445
Super Admin
Wasaarada Caafimaadka Dowlada Federalka ayaa shaacisay in dhawaan uu Hospital martiini Bilaabi doono Adeegyada Caafimadka Bulshada si toos ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Aadan Xaaji Ibraahin Daa’uud ayaa warbaahinta u sheegay in Wasaaraddu ay waddo dadaallo ay dib ugu howlgelineyso Cisbitalka Martiino oo aan muddo Labaatan sano ah shaqeynin kaas oo aan helin wax dayactira Hospitala Martiini oo ku yal Magalada muqdisho dhexda waye .

“ Wasaaradda Caafimaadku waxa ay qorsheeyneysay in mar hore ay howlgeliso Cisbitalka Martiini laakiin arimo la xiriira dhinaca dayactirka iyo farsamada ayaa dib u dhac keenay, waxaanna rajeyneeynaa in aanu dhawaan howlgelino Cisbitalkaasi, si uu Bulshada ugu qabto adeegyada Caafimaad ee ay u baahanyihiin, wasaaradduna waxey xoogga saareysaa in dib loo howlgeliyo dhamaan goobihii caafimaadka ee ku burburay dagaaladii sokeeye” ayuu yiri Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Aadan Xaaji Ibraahin Daa’uud.

Dowlada KMG ah ayaa howlo dayactir iyo qalabeyn ah ku sameysay Cisbitalka Martiini oo muddo labaatan sano ah aan shaqeyneeynin, kaas oo hadii uu howlgalo dabooli doona inta badan baahida bulshada ee dhinaca Caafimaadka wasiirka aya shegay in ay garab qaban doonaan adeegyada ayna samayn doonaan adego wanagsan oo isbitaalku ku howlgalo.

Related Items


Leave a comment