BTS: Arday wax ka barata Sudan oo Murugo la soo daristay ka dib markii loo sheegay in jaamacada loo warrjinayo koonfurta Sudan

Thursday January 06, 2011 - 09:52:45
0 Comments
1242
Super Admin
Arday Wax ka baranaysay jaamacada Baxrul Qasin ayaa ka somay cuntada ka dib markii ay soo wajahday Murugo ku aadan in jaamacadoda loo wareeejin doono koonfurta Wadanka Sudan ee isku diyaarinayo gooni isu taaga dowladnimo.

Ardaydan oo dhigata kulliyada caafimaadka ayaa waxa ay shalay isa soo dhoobeen xafiiska wasaarada waxbrashada sare ee dalka Sudan ,iyaga oo watay boorar ayku qornaayeen halku dhegyo ayku boorinayeen dawlada in ay aqbasho codisgooda ku aadan inaan la wareejin jaamacada oo aan mustaqbalkooda la dayacin.

Waxayna ku balan qaadeen in ay sii wadi doonan cunta joojinta ilaa iyo inta dalabkooda laga aqbalayo.

Jaamicada Baxril Qasal ayaa waxa ay kamid tahay saddex jaamacadood oo horay looga soo wareejiyay koonfurta Sudan kadib dagaaladii sokeeye ee dalka ka qarxay ,waxayna dawlada Sudan go’aamisay in ay dib ugu celiso koonfurta maadama ay iminka xaaladeedu degan tahay isla markana ayba isu diyaarinayso in ay noqoto dawlad gooni ah.

Related Items


Leave a comment