BTS: Deeq Imaaraadka ka timi oo Dowladu Faahfaahin ka bixisay

Thursday January 06, 2011 - 16:51:22
0 Comments
1234
Super Admin
Dowlada FKM ayaa faahfaahin ka bixisay Deeq loogu tala galay dadka baartu saamaysay oo ay ku deeqday Wadanka Imaaraadka Carabta .
Wasiir ku-xigeenka arimaha gudaha ee ee xukuumada Somalia Ibraahim Isxaq Yarrow ayaa shgeegay in deqdaasi ay ka koobneyd 149 Ton ay waday doon yar kuwaasoo kala ahaa, 25 Ton oo Sonkor ah, 29 Ton oo bariis ah , 10 ton oo caano ah, 62.5 Ton oo Bur ah, 20 Ton oo baasto ah iyo 2.5 Ton oo Timir ah, waxa uuna hoosta ka xariiqay iney si cadaaalad ah ugu qeybin doonaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay inay sugayaan Dowlado kale oo ballan qaaday inay gurmad degdeg ah u fidinayaan Shacbiga Soomalaiyeed ee ku dhibaateysan abaaraha ka jira gobolo faro badan oo ka tirsan Soojmaaliya, isagoo ugu baaqay caalamka, gaar ahaan jaamacadda Carabta iyo Dowladaha Islaamka in ay deeq lasoo gaaraan dadka Soomalaiyeed ee dhibaateysan.

Deeqdan ayaan noqoneysa tii ugu horreysay ee dowlada Somalia soo gaarta taas oo loogu talo galay Shacbiga Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen tan iyo markii ay Xukuumadda Soomaaliya guddi ay hormuud ka tahay wasaaradda arrimaah Gudaha iyo Amniga Qaranka u saartay inay gurmad la gaaraan dadka Soomalaiyeed ee u baahan.


Related Items


Leave a comment