BTS: Dowlada oo sheegtay in gurmadka ay gaarsiin lahayd dadka Shabab is hor taagtay

Thursday January 06, 2011 - 16:57:12
0 Comments
1336
Super Admin
Dowlada Federalka ah ayaa sheegtay gurmadka ay gaarsiin lahayd dadka baahan in ay ka hor taagan tahay Xarakada Shabaab.
Shir jaraa’id oo uu maanta Xafiiskiisa ku qabtay Wasiir kuxigeenka Wasaarada arimaha gudaha iyo amniga Qaranka Ibraahim Isxaaq Yarow ayaa waxaa uu ku eedeeyay Xarakada Al Shabaab oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan dadka ay abaaruhu saameynta ku yeesheen ee ku nool koofurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka Ibraahim Isxaaq Yarow ayaa intaasi waxaa uu ku daray in raashin ay ugu talagaleen dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku dhibaateysan gobolada ay Maamulaan Al Shabaab ay gaarsiin la’yihiin kadib markii Al Shabaab ay u diideen hay’adaha samafalka in ay ka howlgalaan deegaanadooda.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa xusay in wasaaradiisu ay soo gaartay deeq isku tagga imaaraadka carabta ay ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay saameeyeen, waxaana uu xusay in goordhow deeqdaasi oo isugu jirta Bur, Bariis, Saliid, Sonkor iyo caano qasacadeysan ay gaarsiin doonaan dadka talaabeysan ee ku dhaqan goobaha ay maamulaan dowladda KMG.

Ugu dambeyn Ibraahim Isxaaq Yarow waxaa uu ugu baaqay beesha caalamka inay gargaar la soo gaaraan dadka ay abaaruhu ku dhifteen ee kudhaqan koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Related Items


Leave a comment