BTS: kulan lagu dhagaysan doono Gudoomiyaha Baarlamanka Safaradisi oo la filayo in uu mar dhow furmo

Monday January 10, 2011 - 10:35:54
0 Comments
868
Super Admin
Xildhibaanada Dowlada ayaa la filayaa mar dhow in ay kullan ku yeeshaan Xarunta golaha shacabka ee magalada Muqdisho, kullan kaas oo lagu waraysanayo laguna dhagaysanayo warbixino Raisalbaarlamka Mudane Shariif Xassan oo dib uga soo noqday Safaro uu mudo ku maqnaa.
Xildhibaan Cumar Isloow oo ka mid ah Mudanayaasha barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in saacadaha soo aadan la faliyo in kulan uu ka dhacayo Xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho kaasi oo uu tilmaamay in wax lagu waydiin doono gudoomiyaha barlamanka iyo Xildhibaanada qabilsan jaamacadda carabta kuwaasi oo safaro kaga maqnaa wadanka dibadiisa.

Xildhibaanka ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in mar hadii uu gudoonka barlamanka u baxo shaqo dibadda ah loo baahanyahay in wax laga waydiiyo shaqadaasi iyo waxyaabihyiin u soo qabsoomay maadaama qaar ka mid ah Xildhibaanda barlamanka aysan la socon waxyaabaha u soo qabsoomay.

BBTSCE
BTS Online

Related Items


Leave a comment