BTS: Kullanka Baarlamka oo u baaqday Geeri ku timi Xildhibaan Baarlamanka ah

Monday January 10, 2011 - 17:00:57
0 Comments
2131
Super Admin
Kullan maanta ay yeelan lahaayeen Baarlamka somaliya ayaa baaqday ka dib markii Habaynimaduii xalay uu magalada Mogdisho ku geeryooday Xildhibaan Xusen Cabdi .

Baaqashada fadhiga xildhibaanada barlamanka ee ka dhici lahaa maanta xarunta golaha shacabka ayaa ka dambeysay kadib markii xildhibaan ka tirsan Barlamanka oo lagu magacaabo Injineer Xuseen Cabdi Wade oo da’diisu ay aheeyd 78 jir uu ku geeriyooday xalay magaalada Muqdisho sida Idaacada Shabelle uu u sheegay xildhibaan Sheekh Muuse C/laah Waxgarad.

Xildhibaanka ayaa sheegay in geerida Marxuum Xuseen Cabdi ay sabab u tahay xanuun dhanka neefta ah oo mudo hayay taasi oo keentay in loo qaado isbitaal kuyaala dalka Iiraan oo uu sheegay in uu ku soo caafimaaday, waxaana xildhibaanku uu dib Muqdisho ugu soo laabtay todobaad ka hor kadibna uu xanuunkii hayay ku soo kacay ugu dambeyntiina uu u geeriyooday.

Xildhibaan Muuse waxaa uu sheegay in Xuseen Cabdi Wade uu la soo shaqeeyay Dowladda KMG mudo ka badan 5 sano, waxaana uu intaasi ku daray in uu ahaa nin howl kar ah, aqoonwanaagsana u lahaa howlaha barlamanka, isagoo tacsi u diray ehaladii uu ka geeriyooday xildhibaankaasi

Fadhiga Barlamanka ee Maanta baaqday ayaa lagu waday in warbixino looga dhageysto gudoomiyaha Barlamanka iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Barlamanka oo muqdo safaro ugu maqnaa dalka dibadiisa, waxaana la shaacin waqtiga ay dib isugu soo laaban doonaan mudanayaasha barlamanka.

si loo waraysto Mudayaasha loogu tala galay in ay waraysi siiyaan Xildhibaanada ku aadan safaraoodii dibada ee ay ku maqnaayeen mudooyinka dambe waraysi ayaa waxaa ugu horeeya oo laga sugin Gudoomiyaha Baarlamka somalia Mudane Shariif

Related Items


Leave a comment