BTS: Koonfurta Sudan iyo Samaynta Aftida Dadka Somaliyeed ee ku nool Juba

Monday January 10, 2011 - 17:15:25
0 Comments
1281
Super Admin
Afti u qaadka labo maalmood jirsaday ee Koonfurta suudaan lagu dawo kala qaadka ama wadajirka suudan ayaa samayn ku yeeshay somalida ku noo, K/Sudan sida Ganacsatda somaliyeed. Ayada oo somalida wararka laga helayo sheegayaan in aysan maalintii labaan wax shaqo ah u dareerin ganacsiyadodina xiran yihiin.

Soomaalidan ayaa daaha ka qaadey inaysan cidna ilaa shalay wax ba ka iibsan isla markaasna dadkii wax iibsan jirey oo dhami ay u dhaqaaqeen doorashada.

Soomaalida halkaasi ku dhaqan ayaa koonfurta sudaan ku leh meelo badan oo ganacsi,waxaana ka mid ah dukaamo camiran, Xawilaado & meelo shidaal,waxaana ay sheegeen inaysan cidna waxba ka iibsan saacadiihii la soo dhafey.

Soomaalidu waxay sheegeen inay qaarkooda ka cabsi qabaan inay tuugo soo weerarto isla markaasna dhibaato soo gaarto,waxaana ay sheegeen inay ciidamada boolisku ku hawlan yihiin ilaailinta amaanka doorashada.

Ugu dambeyntii ganacsatada soomaaliyeed waxay sheegeen in dadkii wax ka iibsan jirey oo dhami ay dhamaantooda ku jiraan safaf dhaadheer oo ay ku doonayaaan inay codkooda ku dhiibtaan sidii ay uga go,i lahayeen dalka sudaan intiisa kale.

Axmed Shiikh Muaxayadin

Juba K/Sudan

Related Items


Leave a comment