BTS: UN oo ku dhawaaqay wax ka qabadka Arimaha Somaliya " BBC London"

Tuesday January 11, 2011 - 10:59:35
0 Comments
1031
Super Admin
United Nation-ka ayaa sheegay in ay dardargain ku samaynayaan Xaalada Siyaasadeed iyo kuwa miletry ee dalka somalia si loo xaliyo Amaanka Wareeray ee Dalka Somalia.
Xoghayaha kowaad ee gudiga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Cumar Jamaal oo lahadlayay laanta af Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu ka warbixiyay kulanka QM ay ku yeesheen magaalada New York ee dalka Maraykanka, isagoo sheegay in Qaramada Midoobay ay isku raacday in si deg deg ah wax looga qabto xaaladda murugsan ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Cumar ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in shacbka Soomaaliyeed ay wax u qabato, isagoo tilmaamay in dowladda KMG Soomaaliya ay ka taagayrayaan in si deg deg ah ay dalka ugu saarto dagaalyahanada Al Shabaab.

Cumar Jamaal Xoghayaha kowaad ee gudiga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu tilmaamay in goordhow ciidamada AMISOM la qalabayn doono, waxaana uu carabka ku dhiftay in Qaramada Midoobay looga fadhiyo inay wax ka qabato dhibaatooyinka Al Shabaab ay ka gaysanayaan gudaga dalka Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in Qaramada Midoobay ay ka go’antahay inay wax ka qabato xaalada amaan iyo abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Hadalka Xoghayaha kowaad ee gudiga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa imaanaya xili Qaramada Midoobay ay dhawaan shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya uu halis u yahay in uu hoy u noqdo argigixisada Caalamiga ah, waxaana ay sheegtay in loo baahan yahay in la qaado talaabo Milatari ah looga hortagayo dagaalyanada Al Shabaab iyo kuwa Urur waynaha Al Qaacidda.


Related Items


Leave a comment