BTS: Baalamanka Carabta iyo Turkiga ayaa sheegay in loo baahan yahay in la taageero Dowlada FKM

Tuesday January 11, 2011 - 11:23:18
0 Comments
987
Super Admin
Caasumada Dalka Syria ee Dimishiq ayaa waxaa ka socda Kulan ay ku lee yihiin baaramanka Carabta iyo Turkiga, Kulanka ayaa looga dhawaaqayn in la Taageero Dowlada Somaliya ee Awooda Daran

Dr C/casiis Xasan oo u hadlayay barmanka carabta ayaa shir jara’id uu qabtay kadib shir horudhac u ah wada xaajoodyada laba dhinac ayaa waxa uu ku sheegay in barlalmaanadu ay mowqif midaysan ka yesheen arrimaha dalalka Flastiin,Ciraaq,Yemen iyo Somaliya

Hadaba marka la eego arrimaha Somaliya waxa uu Dr C/casiis Xasan uu sheegay in barlamaanadu ay isla afgarteen in mushkilada Somaliya aan xal loo heli karin ilaa dalallka Carabta iyo kuw islaamkuba ay dawlada kumeelgaark ah ee Somaliya u fidiyaan taakulayn muuqata iyo mid kaleba si markas dawlada Somaliya ay u hanato maamulka gebi ahaanba dalka Somaliya

Tani ma ah markii u horaysay ee ay dalalka Carabeed Somaliya u balan qaadeen in ay taageero u fidinayaan balse waxa jiray horay balan qaadyo dhaqaale oo ay sheegeen balse ayku fashilmeen in ay ka dhabeeyaan.

Sayid Syria Bts online

Related Items


Leave a comment