BTS: Shaqaalihii Doonida Dhuxusha ee Hindida oo Xabsiga dhexe ku sugan.

Wednesday January 12, 2011 - 10:59:22
0 Comments
1199
Super Admin
Shaqaale ka shaqaynayey Dooni dhuxul ka soo qaaday Magalada Kismaayo ayaa lagu xiray Magalada Muqdisho shalay, Shaqaalaha ayaa hada ku xiran Xabsiga Dhexe.

Shaqaalahan oo u dhashay Hindiya ayaa maalintii labaad u xiran wasaarada arimaha gudaha ee DKMG iyagoo baaritaan lagu hayo iyaga iyo doontii ay wateen.

Kabtanka shaqaalaha ayaa laga soo qabtay doon dhuxul ka keentay magaalada Kismaayo kadibna soo martay degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo looga shakiyey hawlahay doontooda markii hore u tagtay halkaasi.

Warar ku dhow saraakiisha ciidamada ayaa sheegaya in la baarayo raggaasi kuwaasi oo la weydiinayo su’alo la xiriira safarkii ay ku tageen Kismaayo iyo Marka oo ah meelo ay ka taliso xarakada mujaahidinta Shabaab ee dowlada la dagaalameysa.

Doontii ay la socdeen oo sida dhuxul ayaa weli ku xiran dekeda, Waxaana maamulka dekeda uu xaqiijiyey in doontu ay dekeda ku xiran tahay.

Dhinaca kale ganacsato wakiil ka ahayd doonta iyo masuuliyiin ka tirsanDKMG ayaa wada hadal ku aadan arinta shaqaalahaasi wuxuu u bilawday isla xaley inkastoo aan faahfaahin laga heyn ilaa hada .

Maxamuud C/risaq

BTS Mogdisho

Related Items


Leave a comment