BTS: Siyaasi Masaari ah oo ku baaqay in Waqooyiga Sudan la midoobo Masar

Thursday January 13, 2011 - 11:56:33
0 Comments
1780
Super Admin
Siyaasi masaari ah ku baaqay hadii Koofurta suudan aftidu noqoto in ay godo in Waqooyigu la midoobo Dalka Masar .

Waxayna siyaasiintani ayka digeen in amaanka qaranka ee dalka Masar uu halis galayo hadii aykoonfurtu ka go’odo dalka Sudan maadaama aysan jirin istaraatijayd dhigan oo lagula dhaqmi doono dawlada la filayo.

Gudoomiyaha xisbiga Al-tajamuc ee dalka Masar Rifcat Al-saciid ayaa waxa uu sheegay in jiritaanka dawlad koonfured oo xiriir adag la leh dawlad Israel ay khatir halis ah ku tahay amniga qaranka ee dalka Masar,iyada oo danaha dawladahani ay ka soo horjeedaan danaha dalka Masar.waxana uu intaa ku daray in dawlada la filayo in ay dhalan doonto ay fulin doonto ajendayaasha Israel iyo Maraykanka ee mandiqada

Waxaa Rifcat uu sheegay in gooni isu taaga koonfurta Sudan uu yahay horu dhac gooni isutaagyo badan oo ku xigi doona isaga oo sheegay in ayku xigi doonaan Darfuur iyo gobolo kale oo ku yaal bariga Sudan

Waxana uu Rifcat uu sheegay in dawlada Masar ay ku qaldan tahay markii ay iska dhogoolisay ilaalinta danaheedka koonfurta Sudan,waxana uu sheegay in dawlada Sudan ee uu hogaamiyo Cumar Al-bashiir ay iyaduna iska fogaysay dalka Masar kadib markii ay go’aan satay in dalka Masar aan lagu casumin in ayka qayb gasho heshiiskii Nifasha ,heshiiskas oo Cumar Al-bashiir cadaadis kaga yimi Maraykanka uuku aqbalay in madax banaani ay u codayn karaan koonfurtu.

Mustafa Jundi oo ka mid ah hogaamiyasha xisbiga Alwafdi ee dalka Masar ayaa waxa uu isagu soo jeediyay in afti dadweyn loo qaado in la mideeyo Masar iyo waqooyiga dalka Sudan

Waxana uu sheegay inuu dhowaan booqon doono dalka Sudan isla markana uu rayigaas hordhigi doono dawlada Sudan iyo shacabkoodaba,Waxana uu sheegay in qorshaha go’itaanka koonfurta uu yahay mid soo jireen ah oo taagnaa xilligii isticmaarka ingiriiska ayna sii hurinaysay Yuhuudu,isaga oo timaamay in raysal wasaarihii hore ee Israel David Ben-Gurion ayaa khudbad uu jeediyay markii la asasaasay dawlada Israel waxa uu walaac weyn ka muujiyay khatarada ay Israel ku yihiin dawladaha waaweyn sida Masar ,Sudan iyo Ciraaq,waxana uu ku baaqay in loo hawl galo sidii dalalkas loo kala jar jari lahaa iyada oo lagu dhisayo diimahooda iyo jinsi ahaan ama meelaha aykasoo kala jeedan.

SHiikh Axmed BTS Online

Related Items


Leave a comment