BTS: Raisalwasaare Farmaajo iyo Kulankii Wadanka Maraykanka

Friday January 14, 2011 - 19:06:55
0 Comments
1174
Super Admin
Raisalwasare maxamed C/laahi oo ku sugan Malada newyork ee dalka Maraykanka ayaa kulamo la qaatay Madax ka tirsan dalka maraykanka iyo kuwa Qaramada midow sida Bank Moon iyo xubno kale.
Masuuliyiinta uu Ra’iisul wasaaruhu la kulmay ayaa waxaa ka mid ah.

1- Ms Susan E. Rice, oo ah Wakiilka Joogatad ee Maraykanka u qaabilksan UN-ka
2- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon
3- Lynn Pasco oo ah ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha siyaasadda.
4- Ra’iisul wasaaraga ayaa sidoo kale waxaa uu la kulmay Safiiro ka socda qaar ka mid ah dalalka Soomaaliya saaxiibka la ah.
5- Mr Vitaly I. Churkin oo ah wakiilka joogatada ee UN-ka u fadhiya Ruushka
6- Mr Min Wang oo ah wakiilka qaramada Midoobay u fadhiya China

Ra’iisul wasaaraha ayaa masuuliyiinta uu la kulmay waxa uu siiyay warbixino kooban oo ku saabsan golaha wasiirada xukuumada KMG oo si aad ah loo soo koobay, isagoo sidoo kale ka hadlay xaaladda amaan ee dalka Soomaaliya, dib u dhiska Ciidanka iyo in dowladu ay bilowday bixinta mushaaraadka ciidamada dowladda.

Farmaajo ayaa u sheegay madaxda ka tirsan Qaramada Midoobay in ciidamo farabadan oo militari ah loo tababaro dowladda, iyadoo taliyo cusubna loo sameeyay, iyo qaabka dowladda KMG ay u wajihi doonto dib u heshiisiinta, isagoo carab baabay in dowladda KMG ay gudi dib u heshiisiineed u dirtay bartamaha Soomaaliya kuwaasi oo ku guuleystay xalinta beelo halkaasi ku dagaalamay.

Max’ed Cabdullaahi Max’ed ayaa sheegay in dowladda KMG ay xariir wanaagsan la leedahay Maamulka Culumaaudiinka ahlu Sunna Waljamaaca, isagoo sheegay in xubno ka tirsan Ahlu Sunna ay ku jiraan golaha wasiirada ee cusub.

Dhanka bini’aadanimada mar uu ka hadlayay ayaa waxaa uu sheegay Farmaajo in hay’adaha samafalka ay ka howlgali karaan dhanka dowladda iyadoo dhanica kalana goobaha ay ka taliyaan Al Shabaab caqabado farabadan oo dhanka bini’aadanimada ah ay ka jiraan.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaarineyso qorshe looga baxayo marxalada kumeelgaarka ah looga gudbayo dowladda aan ku meel gaar aheeyn

Ra’iisul wasaare Farmaajo ayaa ka codsaday masuuliyiintii Qaramada midoobay ee uu kulanka la qaatay in dowladda KMG laga taageero dhinacyada miisaaniyadda, kordhinta ciidamada AMISOM, dhisida hay’adaha dowliga, in Soomaaliya la soo gaarsiiyo kaalmooyin bini’aadanimo iyo in dowladda laga caawiyo bixinta kaalmooyinkaasi.

Dhamaan madaxdii uu la kulmay Ra’iisul wasaaraha ayaa u balan qaaday in taageerada ay u baahantahay dowladda KMG in ay bixin doonaan, islamarkaana ay garab istaagi doonaan dowladda KMG, waxaana madaxda ay soo dhaweeyeen qorshaha cusub ee dowladda KMG.

Related Items


Leave a comment