BTS: Hindi laga qabtay Dakada Mogdisho oo la maxkamadaynayo

Friday January 14, 2011 - 19:22:04
0 Comments
1230
Super Admin
Madax dowlada ah iyo Ganacsato reer Muqdisho ah ayaa isku raacay in la maxkamadeedu dad u dhashay wadanka Hindia kuwaas oo dhuxul ka soo qaaday Kismayo laguna qabtay Magalada Muqdisho

Saraakiil ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo ganacsadatada gobolka Banaadir oo maalmihii u dambeeyay kulamo ku aadan wixii laga yeeli lahaa 10 ruux oo u dhalatay dalka Hindiya kuna xiran xabsiga dhexe ku lahaa Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay isku raaceen in ragaasi maxkamad la soo taago maalinta beri ah.

Ragaani u dhashay dalka Indiya oo ciidamo ka tirsan dowladda KMG ay ka kaxeysteen doon ku xirneyd dekadda Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay qabsadeen qareen u dooda, iyadoo baaritaano lagu sameyn doono hadii dambi lagu helana la xakumi doono hadii kalana la sii deynayo.

Macadda waxyaabaha dowladda KMG Soomaaliya ay ku heysato ragaani ajanabiga ah ee u dhashay dalka Hindiya hase ahaatee wasaarada arimaha gudaha ee dowladda KMG ayaa ragaani amar ku bixisay in la xiro kadib markii doontii ay wateen oo siday dhuxul ay ka timid magaalooyinka Kismaayo iyo Marka oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab

Muwaadiniintaani u dhalatay dalka Hindiya ayaa maalmo ka hor waxaa dekadda Muqdisho ka kaxeystay ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, waxaana xarigooda uu sababay in maalmo ay hakad galaan howlihii shaqo ee dekadda Muqdisho inkastoo maalintii shalay ay dib u bilowdeen

axmed salad Mogdisho

Related Items


Leave a comment