BTS: wiilal dhalinyaraa oo qurbaha ka soo noqday laguna qabtay Burco ayaa su'aalo lagu waydiin Xabsiga Hargaysa

Monday January 17, 2011 - 11:45:58
0 Comments
2229
Super Admin
Dhalinyaro saddex ah oo laga qabtay Habaynkii Sabtida Maglada burco logana shakisanaa Argagaxiso ayaa su'aalo lagu waydiin Maglada hargaysa, Dhalin yarada oo ay qabteen Ciidanka Somaliland oo kaashana Ciidamo British ah.

Nimankan oo tiradooda lagu sheegey inay gaarayan 3 nin ayaa la sheegey inay hadda ka hor ka yimaadeen dalka dibediisa gaar ahaan wadanka Ingiriiska,waxaana nimankaasi looga shakiyey inay gacan saar la leeyihiin Al-qaacida.

Niman ayaa xilli habeenimo ah laga qabtey magaalada Burco guri ku yaala,waxaana la sheegey inay nimankaasi dhawr habeen hawlgal daba gal ah ku haysey diyaarad nooca dagaalka ah oo la socotey telefoon nooca turaayada ah oo ay ku hadlayeen.

Mid ka mid ah nimankaasi oo lagu magacaabo Saleebaan Good Abees ayaa la sheegey inuu 6 sano ka hor ka soo cararey magaalada London ee dalkaasi England,waxaana uu hadda ka shaqeyn jirey shirkada isgaarsiinta ee ugu balaaran somaliland ee telesom.

labada nin ee kale ee la qabtey ayaa la sheegey inay ka yimaadeen dhinacaasi & magaalada Muqdisho oo ay ka soo kicitimeen isla markaasna la aaminsan yahay inay la shaqeynayeen Mujaahidiinta shabaab,waxaana la sheegey nimanakasi dhamaantood su,aalo lagu waydiinayo magaalada hargeysa .

C/laahi Jaamac BTS Hargasia

Related Items


Leave a comment