BTS: Muhaajiriin Somaliya oo ka badan 20 ayaa gaaray Wadanka Giriiga

Tuesday January 18, 2011 - 10:43:51
0 Comments
1117
Super Admin
Muhaajiriinta Somalida ayaa la sheegay in ay gaareen wadanka Giriiga ka dib markii ay ka soo carareen Dhibaatda ka aloosan Wadanka Somalia ayaga oo wadada kala kulmay dhib uu u sii dheer yahay Ciidanka Wadanka giriiga oo qabqabtay.

Soomaalidan saacadihii la soo dhaafey gaaray dalka Giiriga ayaa la sheegey inay gaarayaan 23 ruux oo isugu jira haween, Caruur & Dhalinyaro kuwaasi oo doonaya inay u talaabadaan gudaha wadamada reer yurub ee giriigan nolosha dhamaa.

Soomaalidan ayaa la sheegey inay ciidamada booliska dalkaasu ay xabsiyadda u taxaabaan isla markaasna ay su,aalo weydinayaan,waxaana ciidamada boolisku sheegeen inay xilli kasta soomaalidu ku soo badnaysa.

Waxaa dadkan soomaaliyeed la aaminsan yahay inay ka carareen dagaalada ka taagan dalka soomaaliya isla markaasna ay doonayaan inay u talaabaan gudaha wadamo nolol dhamaa dalka soomaaliya oo ay dagaalo halaageen.

Dalka Giiriga waxaa ku qulqula soomaali badan isla markaasna doonaya inay gaaraan wadamo nolol wanaagsan,taasi oo ay ku iloobi karaan dhibaatadii soomaaliya ku haysatey.

MHJ BTS Online

Related Items


Leave a comment