BTS: Madaxwayne C/raxman Farole oo dib ugu soo laabtay Magalada garowe

Friday January 21, 2011 - 19:53:37
0 Comments
960
Super Admin
Madaxwayna Dowlad Puntland C/rixaman Shikh Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo wafti wasiir ka kooban ayaa dib ugu soo laabtay Magalda Garowe socdaal gaaban oo ay kaga soo laabteen Wadanka Jabuti .

Wafdiga Madaxweynaha ay Ka Mid ahayen Xubno Wasiiro ah Ayaa Waxaa ay Ka soo Laabteen Dalka Jabuuti Halkaasi Oo Kulamo Ay kula Soo Qaateen masuuliyinta Beesha Caalamka ee Halkaasi Ku Sugan.

Madaxweyanaha Puntland Oo La Hadlay Saxaafada ayaa sheegay in Dalka Jabuuti Ay Kula Kulmeen Madax ka socota beesha caalamka Gaar ahaan Ururada daneya Arimaha Somalia.

Waxyaabaha Ugu Badan ay Ka wada hadleen ayuu Ku sheegay in ay Ugu Weyntahay Arimaha somalia gaar ahaan Puntland Isagoona intaasi ku daray Madaxweyne Faroole In ururada Midowga Yurub, Ururka Igad, iyo Masuuliyiin Kale Oo daneya Arimaha Somalia Kala Hadleen Qilaafki Dhawaan Soo kala dhex galay Puntland Iyo Dowlada Federalka.

Ugu Danbeytiina Madaxweynaha ayaa sheegay Dhamaan Kulamadii ay Jabuuti kula Yeeshen madaxda beesha Caalamka ay ku soo idlaadeen is fahan dhamays tiran .

Madaxwaynaha ayaa dhawaan ka duulay Magalada garowe ka hor waqti yar inta uusan ka duulin Garoonkana waxa uu sheegay in uu kulamo la soo yeelanayo Madax ka tirsan caalanka ayga oo ka wada hadli doona Arimaha somalia

Mohamed Ahmed Hasn

BTS Online

Related Items


Leave a comment