BTS: Wiil Somali American ah oo lagu qabtay Kuwiat waqti hore oo xoriyadisi dib u helay

Saturday January 22, 2011 - 10:14:54
0 Comments
1022
Super Admin
Wiil dhalin yaro somali american ah aya dib xoriyadiisii u helay ka dib markii uu mudo ku xirnaa wadanka kuwait oo uga shakiday in uu xiriir la lee yahay kooxaha ka dagaalama somalia .

Wiilkan ayaa la sheegey inuu markii hore ka soo tagey dalka mareykanka isla markaasna uu soo aadey dhinaca soomaaliya,waxaana uu soomaaliya u soo aadey inuu diinta barto balse waxaa uu aamini waayey xasilooni darrada ka taagan soomaaliya.

Wiil waxaa lagu magacaaba Guleed maxamed,waxaana uu shalay dib ugu soo laabtey gudaha wadanka mareykanka gaar ahaan magaalada Washington D.C,waxaana uu ka warbixiyey qaabkii lo xirey markii uu soo gaarey dalka Kuwait.

Guuleed ayaa sheegey inuu markii hore soomaaliya u gudbay balse uu joogi kari waayey soomaaliya ka dib markii ay dagaalo ka dhaceen dalka gudiihiisa,waxaana uu sheegey inuusan ag tagin kooxaha islaamiyiinta ah ee ku sugan soomaaliya.

Waxaa uu xusay in markii uu dib ugu laabtey dalka Kuwait in mareykanku ka shakiyeen in inuu ka soo qayb qaatey dagaalada ka socda soomaaliya isla markaasna tageero kooxda Shabaab balse waxa uu sheegey in wax dambi ah markii dambe lagu waayey uuna u soo socdaalay dalka mareykanka oo markiii hore uu ka tagey.

Axmed Faarax Somali

BTS Online IStanbuller

www.burtinletimes.com

kala soco waraka caalamka halka ay ka dhacayaa iyo waqtigay dhacayaa kana dhiibo comment fikirkaga

Related Items


Leave a comment