BTS: Tafatirihii Wargayska WAAHEEN ee Magalada Hargaysa oo xukun Ganaax iyo Xarig lagu xukumay

Saturday January 22, 2011 - 19:06:08
0 Comments
988
Super Admin
Tafatiraha Wargayska Maalinlaha ah ee ka soo baxa magalda Hargaysa WAAHEEN ayaa maanta markii ugu horaysan la keenay maxkamada ka dib markii la xiray bishii 11aad ee sanadkii tagay ka dib markii ay dowladu ku eedaysay in uu daabacay warar ka hor imanaya maamulka somaliland.

Tifaftiraha Waaheen Maxamud Cabdi Jaamac Xuuto oo mudo bil ka badan xabsga ku jiray ayaa maanta maxkamada Hargeysa waxay ku xukuntay 3 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaarya 6 milyan oolacagt Somaliland ah.

Garsooraha maxkamada Cali Suudi ayaa maxkamada ka hor sheegay in Maxamed Cabdiu Xuuto uu qoray warar lidi ku ah taliska booliska iyo wasaarada maaliyada Somaliland, Wuxuuna sida uu sheegay xukunka maanta lagu riday tifaftirah uu waafaqsan yahay dacwadiisa.

Maxamuud Jaamac Xuuto ayaa isla maxkamada dhexdeeda laga kexeeyey isagoo gacmaha laga jeeceeyey [laga xiay] waxaana wararka na soo gaaraya ay sheegayaan in isla maantaba loo kexeeyey xabsiga Mandheera oo loo dhaadhiciyey.

Maxamuud Cabdi Jaamac ayaa booliska CID-da magaalada Hargeysa waxay qabteen bishii November ee sanadkii tegey kadib markii lagu eedeeyey inuu wargeyska ku qoray warar lidi ku ah xukuumada Somaliland, waxaana mudadaasi lagu hayey saldhiga booliska ee Hargeysa.

Xukunka maanta ay ku riday maxkamada ayaa ah kii ugu cuslaa ee xukuumada Somaliland ee Kulmiye hogaamiyo ku xukunto suxufi madax banan tan iyo intii xilka loo doortay bishii June 2010.

Ururada warbaahinta ka hawlgala Somaliland ayaa durba walaac ka muujiyey sida adag ee xukuumada Somaliland ula dhaqmeyso warbaahinta madaxa banaan ee ka jirta Somaliland.

Shiikh Suwayt Hargaysa

BTS online

Related Items


Leave a comment