BTS: Dhalin yaro somali American ah oo lagu dhawacay Minnesota USA

Tuesday January 25, 2011 - 19:30:06
0 Comments
985
Super Admin
Labo dhalinyaro somali maraykan ah ayaa lagu dhawacay wadanka maraykanga Magalada minnesota, Nimanka ayaa waxaa dhawacoda gaystay Niman Burcad ah .

Labadaasi nin ee la dhaawacay ayaa la sheegey inay ahayeen muwaadiinin soomaaliyeed balse muddo ku noolaa dalka mareykanka,waxaana ay ahayeen dad si rasmi ah u deganaa magaalada Minisota.

Saraakisha booliska magaalada Minisota ayaa shaaca ka qaadey dhaawaca labadaasi nin,waxaana ay sheegeen inay kooxaha dilkaasi geystey ciidamada amaanku ku daba jiraan soona qaban doonaan saacadaha soo socda.

Labadaasi nin oo aan wali magacooda la shaacin ayaa la sheegey in loo qaadey cusbitaal ku yaala magaalada Minisota ee dalkaasi mareykanka isla markaasna xaaladooda caafimaad lagu daabibayaa.

Waxaa nimanka rasaasta lala dhacay ka haleeshay midna laabta midna lugaha,waxaana la sheegey in midkooda xaaladihii aad u liidato isla markaasna dhaqaatiirtu ku mashquulsan tahay wax ka qabashadooda.

Axmed Ibrahin USA Minnesota

BTS Online

kala soc wararka caalanka iyo warbixino BTS online kan adhiibo Commentiga Fikirkaga

Related Items


Leave a comment