BTS: Xeer ilaaliyihii Gobolka Mudug oo xalay lagu toogtay Magalada Galkacyo

Wednesday January 26, 2011 - 09:22:52
0 Comments
1005
Super Admin
Xeer ilaaliyihii Gobolka Mudug C/qaadir Jamac Nugaal ayaa Xalay lagu kooxo hubaysay ku khaarijiyeen Magalada Gaalkacyo ka dib markii uu ka soo baxay salaada Maqrib Xaafada Garsoor.

Kooxihii falkan geystay ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen, waxaana goobta shilku ka dhacay soo buuxiyey ciidamada Booliska Puntland.

Dilka xalay Gaalkacyo loogu geystay xeerilaaliyihii gobolka Mudug wuxuu la mid yahay dill sidan oo kale Boosaaso loogu geystay xilli uu masaajid kasoo baxayey gudoomiyihii Maxkadmada darajada 1aad ee gobolka Bari marxuum Sh. Maxamed Cabdi Awaare dabayaqaadii 2009kii.

Amaanka Gaalkacyo oo indhowaaleba u muuqday mid soo hagaagaya,ayaan hadana si dhab ah loo aqoon cida soo maleegta dilalka loo geysto dadka wax ku oolka ah.

Sidoo kale gobollada Puntland waxaa lagu khaarajiyey labadi sanno ee u dambeeyey ilaa iyo shan garsoore oo lagu kala dilay magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Cawil Axmed yasiin Galkacyo Puntland Somalia

BTS online

kala soco wararka caalamka iyo kuwa somalia BTS online kana dhiibo fikirkaga Commentiga

Related Items


Leave a comment