BTS: Dagaal Culus oo u dhexeeya kooxaha Mucaaradka iyo Dowlada ayaa ka dhacay Magalada muqdisho

Wednesday January 26, 2011 - 09:59:17
0 Comments
1300
Super Admin
Dagaal Khasaaro gaystay ayaa ka dhacay Aroortii Waabari ee saaka Magalada Muqdisho ee Xarunta Banaadir .

dagaalada ayaa ka dhacayey degmooyinka Hodan,Hawlwadaag, & boondheere oo farisiimo ah ciidamada dawlada & Amisom,waxaana dagaaladaasi la sheegey inay qasaare isa soo gaarsiiyeen inkastoo aan la ogeyn inta uu qasaaraha soo kala gaarey leeg yahay.

Dhanka kale madaafiic ay kooxaha isweydaarsanayaan isu adeegsanayeen ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaceen xaafada tawfiiq waxaana la sheegey in madfac ku dhacay xaafadaasi uu dhaawac soo gaarsiiyey dad shacabk ah oo guryahooda ku sugnaa.

Xaalada hadda ayaa ah mid xasiloon inkastoo aan magaalada Muqdisho xasiiloonida yar ee ka jirta aan laysu halayn karin,waxaana laga cabsi qabaa inay kooxaha dagaalamaya mar kale hubka iskula kacaan.

BTS Mogdisho

Ahmed Wardi

Related Items


Leave a comment