BTS: Mr Mahiga aya ku baqay in waqtiga yar ee Dowlada u harsan la siiyo Jaanis

Thursday January 27, 2011 - 11:40:02
0 Comments
2180
Super Admin
Wakiilka jamciyada Quruhmaha ka dhaxaysa u qaabilsan wadanka somali Mr Obestine Mahiga ayaa shir saxafadeed uu ku qabtay xafiiskiisa Nairobi sheegay in waqti yar u harsan tahay dowlada sido kalena sheegay in dowlada la siiyo Fursad

Wakiilka QM ee soomaaliya waxaa uu shaaciyey in loo baahan yahay inay shacabka soomaaliyeed & masuuliyiinta dawlada kmg ah looga baahan yahay inay sameyeen dulqaad si loo ogaado waxqabadka dawlada u harsan waqtiga dhaw.

Mahiga waxaa uu xusay in Shir dib u heshiisineed lagu qaban doono magaalada addis Ababa,waxaana uu sheegey inay shirkaasi goob joogayaal ka noqon doonaan masuuliyiin uu ka mid yahay xogyahaha guud ee QM Mr Ban moon, & John Peang,waxaana ay dib u heshiisintaas lagu sheegey inay qayb ka noqon doonaan bulshada rayidka ah & siyaasiinta soomaalida.

Waxaa kale oo mahiga sheegey inay dawladda kmg ah ee soomaaliya ay u harsan tahay waqti yar oo kooban kaasi oo ah 7 bilood,waxaana uu sheegey inay horyaalaan hawllo badan oo baahan waxqabad muuqda isla markaasna laga war dhawro inay waxqabadka ay la timaado waqtiga yar ee u harsan.

Gebagabadii waxaa uu ugu baaqey siyaasiinta soomaaliyeed inay carqaladeynta ka ilaaliyaan xukumada kmg ah ee soomaaliya isla markaasna ay siiyaan jaaniska yar ee u harsan

Ahmed Hiiran

BTS Online

Related Items


Leave a comment