BTS:Koob kubadda cagta oo lagu qabtey magaalada Manchester–

Monday January 31, 2011 - 20:06:50
0 Comments
554
Super Admin
Waxaa magaaalada Manchester ee caasimada waqooyiga England lagu qabtay tartan loogu magac daray labo halyey oo isboortiga Soomaaliya magac weyn ku lahaa sida FIFA REFEREE Abdiqadir ibraahim Cadaay & FOOTBALL LEGEND Ahmed Sheego Bishaar

Koobkan loogu magac daray ayaa labada halyeyayaa waxaa soo qaban qaabiyey Naadiga weyn ee WPSC-Manchester iyo kooxda waalidiinta ee OLD BOYS of MANCHESTER .

koobkan ayaa soomaalida dagan magaalada Manchesterayay si weyn uga soo qayb galeen islamarkaana ay muujiyeenqiimaha gaarka ah ee uu lahaa waxaana ka soo qayb galay kooxaha kala ah:

1. Old School team

2. Rusholme United

3. FC Twinny Team

4. Young Boys FC

5. Wedding bells

6. All Stars FC

7. Lil Brazil

8. FC Catalans

9. Inamoto FC

10. United Junior

11. Somali Sports Club

12. Xevarian Stars

Tartankan ayaa ka dhacay laguna qabteygaroonka weyn ee Manchester Academy oo ku yaala xaafada Soomaalidu ubadan tahay ee Moss duleedka magaalada Manchester, iyagoo ay ka soo qayb galeen dhamaan bahweynta sportiska jacel ee daganayd magaalada oo dhan iyo taageerayaal fara badan oo iyagana aad ugu faraxsanaa abaabulka habaysan ee koobkan loo soo qaban qaabiyey iyo ciyaar wanaaga kooxuhu soo bandhigeen meesha kama maqneyn.

Tartankan oo runtii aad u xiiso badnaa ayaa waxaa final isugu soo baxay labada kooxood ee kala ah Old school team iyo Inamoto FC, labadan kooxood ayaa iyaku soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan oo asluubi ku dheehan tahey, balse natiijaduwaxay ku soo dhamaatay 1 — 1 kadibna sida sharciga qabo waxaa loo dhigayri goorayaal kadibna waxayNA guushu ku raacday kooxda Old School team, dhanka biladaha waxaa gool dhalinta ku guulaystay ciyaaryahankii kooxda Old school team Sulayman Barud, halka gool kii ugu quruxda badnaa uu ka dhaliyey koobkanlaacibka da’da yar ee kooxda Lil Brazil Mahamud China, goalhayihii ugu wanaagsanaa waxaa qaatay goalhayaha kooxda Inamoto FC Ahmed Omar Spyda, halka ciyaaryahankii ugu wacna tartanka uu ku guulaystay Kaptankii kooxda Inamoto FC Jaamac Hiirad oo isagu ka muujiyey tartankan fir fir cooni, karti iyo ciyaar wanaagaba.

Waxaa kaloo bilado abaal marin iyo soo dhaweyn isugu jira lasiiyey FIFA REFEREE Abdiqadir ibraahim Cadaay & FOOTBALL LEGEND Ahmed Sheego Bishaar. Waxaa kaloo qalab iyo hadiyado lagu wareejiyey gudoomiyaha kooxda waalidiinta ee OLD BOYS of MANCHESTER Abdi Kuus iyo ciyaartoydii kooxdaas ee goobta joogtay.

Ugu dambeyntii waxaa bilad sharaf lagu doon siiyey gudoomiyaha naadiga WPSC-MANCHESTER Fuad-Osman oo isaga loo aqoon saday Aabaha sportiska magaalada Manchester, mudane Fu'aad waa nin dhalinyaro ah islamarkaana aad u firfircoon, howlo badan oo caruurta Soomaaiyeed ee degan magaalada Manchester ka qabta, Fuad waxa kale uu yahay macalin kubadd cagta ah oo ka shaqeeya Man City Football Youth Academy oo uu macalin ka yahey.

W/D: Yusuf Yusuf

BTS Online

mrsomalia@hotmail.com

London

Related Items


Leave a comment