BTS: Ganacsade somali oo lagu dilay Magalada nairobo ee dalka kenya

Thursday February 03, 2011 - 12:00:14
0 Comments
1068
Super Admin
Wararka ka imaanya magalada naribo waxay sheegayaan in habaynimadii xalay koox ka kooban saddex nin oo hubaysab dileen ganacsade somaliya Magalada nairobi.

Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi Waxaa habaynimadii Xalau lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo la yiraahdo Aadan Hilowle Qarbax.

Dilka ayaa waxaa fuliyay 3 dableey hubeysan ah oo indhaha soo duubtay, waxaana uu dhaawac so gaaray gabar kale oo gaariga la saarneed marxuumka.

Marxuumka ayaa ka ganacsan jiray dhulalka iyo guryaha, oo is qabqabsi badan ka taaganyahay gebi ahaanba dalka Kenya, lamana oga cidda si rasmiga ah uga dambeysa dilkiisa.

Dilalka loo geyso dadka Soomaaliyeed eek u nool dalka Kenya ayaa waxa ay ku dhamaadaan halka uu falku dhaco, iyadoo aysan jirin cid iska xil saarto barista kiisaska dhanka ka ah Soomaalida.

Axmed Daadur

S Online

Related Items


Leave a comment