BTS: Uganda oo sheegtay in ay k digtoon tagay weeraro kaga yimada Al shabaab somalia

Sunday February 06, 2011 - 20:32:12
0 Comments
2068
Super Admin
Uganda ayaa sheegtay in ay ka digtoon tagay weeraro kaga yimada Al shabaab somalia kuwaas oo ay sheegeen dowladu Uganada in ay qorsheynayaa in ay falal argagaxiso rabaa in ay ka gaystaan magaalooyinka dalka uganda .
Saraakiisha Ciidamada booliska dalka Uganda ayaa sheegay inay ka war heleen weeraro ay Xarakadda Al-Shabab damacsan tahay inay ka geysato magaalooyinka Kampala iyo Bujumbura ee caasimadaha wadamada Uganda iyo Burundi oo ay ciidamo ka joogaan magaalada Muqdisho.

Maj. Gen. Kale Kayihura oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Booliska ka dalka Uganda ayaa ka sheegay warbaahinta dalkaasi in ciidamada booliska oo garab ka helaya kuwa nabad sugida ay ka war heleen weeraro argagixiso oo ay Al-Shabaab damacsantahay inay ka geysato magaalooyinka Kampala iyo Bujumbura 18-ka bishan February waxaana uu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa laga helay ilo lagu kalsoonyahay.

Maj. Gen. Kale Kayihura waxaa uu sheegay in wararka ay helayaan ay sheegayaan in Al-Shabaab dagaalyahano ka tirsan ay ku sugan yihiin Kampala iyo Bujumbura kuwaasoo qorsheynaya inay Kampala qaraxyo ka geystaan bishaan gudaheeda gaar ahaan inta ay socdaan doorashooyinka baarlamaaniga ah ee dalkaasi waxaana uu intaa ku daray inay jiraan weeraro kala oo isla maalintaas la qorsheeyay in laga geysto magaalada Bujumbura.


“Waxaan helnay warar aanu ku kalsoonnahay oo sheegaya in Al-Shabab wado qorshe ay qaraxyo uga geysaneyso Kampala maalinta doorashada baarlamaanka ugu dambeysa isla maalintaasna waxay qorsheeyeen inay qaraxyo kuwaasi oo kale ah laga geysto magaalada Bujumbura” ayuu yiri sarkaalkaasi ka tirsan Booliska Uganda oo Maj. Gen. Kale Kayihura la yiraahdo waxaana uu intaa ku daray in la diyaariyey ciidamo si gaar ah u tababaran oo weeraradaasi ka hor taga.

Ahmed isaaq Mogdisho
BTS Online

Related Items


Leave a comment