DKMG oo ku hanjabtay in caawa ay ku hoyanayso wadada 30-ka ee....

Sunday February 20, 2011 - 00:08:51
0 Comments
1066
Super Admin
DKMG oo ku hanjabtay in caawa ay ku hoyanayso wadada 30-ka ee....
Muqdisho: Taliska Ciidanka xooga Soomaaliyeed ayaa maanta ku goodiyay in ciidamadooda ay caawa ku hoyan doonaan wadada 30-ka ee magaalaada Muqdisho.

Abaan-duulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed C/kariin Yuusuf Aadan (Dhaga badan) oo la hadlayBTS ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada xooga ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaaladii maanta ay ku qaadeen fariisamaha Al Shabaab ay ku leeyihiin degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

C/kariin Yuusuf Aadan ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda ay dhaafeen degmada Howlwadaag islamarkaana ay kusii dhow yihiin wadada 30-kan ee magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.

Abaan-duulaha ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM ay gacan buuxda ka siiyeen ciidamada dowladda KMG dagaaladii maanta ay ku qaadeen fariisimaha ciidamada Al Shabaab ay ku lahaayeen degmada Howlwadaag, isagoo ku cel celiyaya in caawa ay ku hoyanayaan wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa wali waxaa laga maqlayaa rasaas iyo madaafiic culu culus oo ay is weedaarsanaayaan labada dhinaca, iyadoo dhawaqa madaafiicda laga maqlayo guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir.

mahdi ali jama BTS Mugdisho

Related Items


Leave a comment