Wasiiru dowlaha XFS Oo Caawa Ka Hadlay Xaflada Deyn Cafinta Oo Ka Socota Muqdisho

Wednesday December 13, 2023 - 21:39:56
0 Comments
89
ahmed raajaa
MUQDISHO
Caawa waxaa magaalada muqdisho ka socda xaflad loogu dabaal degayo lacagta deyn cafinta ah .

Iyadoo ay ka soo qayb galeen xildhibaanada labada Aqal ee barlamaanka federalka R/wasaaraha XFS iyo marti sharaf kale.

Xubnihii ka hadlay waxaa kamid ahaa Wasiiru dowlaha xafiiska R/wasaaraha  mudane Xirsi gaani, isagoo sheegay in siwey loogu farxay dal iyo dibadba deyn cafintaas.

Maanta ayeey ahayd markii siwada jir ah Bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka ee IMF ugu dhawaaqay in Soomaliya laga cafiyey daynta, ka dib 11-sano oo ay ku soo jirtay geedi socodka deyn cafinta, 

Waxaa kale oo la filayaa in madax kale ay ka hadlaan sida xildhibaano iyo wasiiro ka mid ah xukuumada federalka soomaaliya oo ugu horeeyo R/wasaare xamze cabdi bare.

Meeraysane.com



Related Items


Leave a comment