Ururo Islaami ah oo lacag u aruurinta Soomaalida ka bilaabaya Britain

Tuesday February 22, 2011 - 12:02:54
0 Comments
1369
Super Admin
Ururo Islaami ah oo lacag u aruurinta Soomaalida ka bilaabaya Britain

Muqdisho: Ururka Islaamka Caalamka iyo hay’ad Islaami ah oo ka jirta dalka Ingiriiska ayaa dalkaasi ka bilaabaya aruurinta dhaqaale wax looga qabanayo dhibaatooyinka heysta dadka Soomaalida ee ku nool gobolada ay abaaruhu ka jiraan.

Xoghayaha guud ee ururka Islamka ee caalamka, Akmaludiin Ixsaan, ayaa shaaca ka qaaday in ururka islaamka iyo hay’adda gargaakra islamka ee dalka Ingiriirska ay iska kaashanayaan u gargaarida dadka ku dhibaateeysan dalka Soomaaliya si looga samata bixiyo dhibaatooyinka xaga nolosha ah ee haytsa dadkaasi oo la sheegay in ay oon iyo gaajo ugu dhimanayaan koonfurta iyo bartamah dalka Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u baqbteen gudoomiyaha ururka islamka iyo xoghayaha dhinaca maaliyada ee ururka isklaamka ee Ingiriiska, ninka lagu magacaabo Cadha-Allah ayaa waxa ay sheegeen in laga bilaabo bisha February oo aynu ku jirno la bilaabo doono uruurinta kaalmooyinka gargaarka sidoo kalana horay loo uruuriyay balse aysan ku filneen daboolida baahida dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka gaar ahaan kuwa muslimiinta ah in ay u gargaaraan dadka Soomaaliyeed sida ay sheegeen labadaasi mas’uul.

Cadha-Allah ayaa sheegay, in ururka gargaarka islaamka uu had iyo goor ka qeyb qaato u gargaarida dadka musliminta ah sida ay horay gargaar ugu fidiyeen, dad ku dhibaateeysnaa Yemen, iyo gobolka Darfur ee dalka Sudan, sidoo kalna waxaa uu hada diyaar u yahay in u gargaaro dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateesan gudaha dalka Soomaaliya, isaga oo uga baaqay, dhinacyada ku dagalamaya Soomaaliya in ay joojiyaan dagaalada si ay u fududaato in kaalmooyinka la gaarsiiyo dadka ku dhibaateeysan dalka Soomaaliya.

“Waxaa jira baaqyo isa soo taraya oo ku aadan u gargaarida dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateeysan dalka Soomaaliya maana jirto ilaa iyo hada wax gargaar ah oo la soo gaarsiiyay dadka Soomaalida” ayuu isna hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Akmaludiin Ixsaan.

Ali Abdifarax BTS


Related Items


Leave a comment