Maamulka G/Banaadir oo Gacanta ku dhigay shirkado lacaga been abuur ah ka qaada Bajaajleyda

Wednesday December 27, 2023 - 13:53:00
0 Comments
69
ahmed raajaa
MUQDISHO
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay shirkado lacaga been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda ka howl gasha Muqdisho, waxa uuna maamulka Gobolka sheegay in sharciga lala tiigsan doono kuwa gacanta lagu soo dhigay iyo cidkasta oo ku howlan dhibaateynta bulshada.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa yiri, "Maamulka gobolka Banaadir waxa uu caddeynayaa in wax shaqo ah ku lahayn lacagaas laga qaadayay bajaajta ka howlgala gobolka”.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay inaan gaadiidka Bajaajta ah laga qaadi karin Lacag dhaafsiisan waxii sharciga ahaa ee ku waajibay.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment