Chelsea iyo R. Madrid oo u gudbay wareega 3-aad ee horyaalka Yurub

Thursday March 17, 2011 - 03:20:18
0 Comments
1458
Super Admin
Kooxaha Chelsea iyo Real Madrid ayaa u soo gudbay wareega 8-da koox ee koobka qaaradda Yurub, kadib markii ay lugtoodii labaad soo badiyeen.

Real Madrid oo marti loo ahaa islamarkaana lugtii hore kooxda reer France ee Lyon gureega ay kusoo kala tageen bareeja min hal gool ah ayaa 3-0 ku macsalaameysay.

Ciyaartan dhex martay labada koox oo ahayd mid adag oo soo jiidaneysay indhaha daawadayaasha ayaa Real waxay heshay goolkii 1-aad waxaana daqiiqadii Soddon iyo Todobaad(37) u dhaliyey cayaaryahan Marcelo.

Weerar culus oo ay Real Madrid qaaday ayaa sahashay in K.Benzema uu kooxdiisa u saxiixo goolkii Labaad daqiiqadii 66-aad,halka kan Sedexaad uu ku daray A.D. Maria.

Macalinka kooxda Lyon ayaa sameeyey dhowr bedel oo micna u soo kordhi waayey naadiga,iyadoo Lyon ay u muuqatay in garsooraha cayaarta uu ku jiifay, kadib dhowr qaladaad oo si cad ah loogu geystay oo uu garsooraha iska indha tiray.

Dhinaca kale kooxda caanka ah ee Chelsea ayaa tareenka ka tuurtay kooxda FC Copenhagen ee ka soctay horyaalka Denmark,ciyaartooduna waxay ku soo dhamaatay bar-bar dhac gool la`aan ah.

Chelsea ayaa ku soo baxday guushii ay Copenhagen gurigeeda lugtii 1-aad uga soo badisay 2-0, sidaana ay Chelsea uga mid noqatay kooxaha u soo baxay wareega Sideeda kooxood ee horyaalka Yurub.

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment