Qaar ka tirsan ciidamada puntland oo xalay la wareegay kastamka wuqooyi ee gobolka mudug

Monday January 15, 2024 - 13:37:33
0 Comments
64
ahmed raajaa
GALKACYO
Ciidamadaan gedoodsan oo ka tisan kuwa puntland ayaa xalay la wareegay kastamka wuqooyi ee gobolka mudug,iyagoo ku andacoonaya in aysan weli helin mishaarki ay ku lahayeen dowlada Puntland.

Askartaan mushaar la’aanta sheeganaya ayaa xannibay isu socodka guud ee gaadiidka ka shaqeeya goboolada puntland, gaa'ahaan wadada dheer ee xiririsa Gaalkacyo iyo garoowe sida ay tilmameen.ilo kala duwan.

Ma'ahan markii ugu horeeysay oo ay jid gooyo dhigtaan qaar ka tirsan ciidamada puntland kuwaas oo sheeganaya inay ka maqan tahay mishaarkooda.

Sikastaba hanoqotee ma jiraan cid ka tirsan maamulka gobolka ama maamulka dowlada puntland oo u istaagtay inay ciidamadaan dib ugu celiyaan xeyahooda.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment