Danjire Mahiga oo Safar aan la Shaacin ku Tegay Hargeysa

Wednesday March 23, 2011 - 22:37:14
0 Comments
2302
Super Admin
Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa maanta safar aan horay loo shaacin ku tegay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Mahiga ayaa waxaa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, masuuliyiin uu kamid yahay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar .

Danjire Augustine Mahiga ayaa la sheegay in booqasho labo maalmood ah ku joogi doono Somaliland, isaga oo kulamo la qaadan doona masuuliyiinta Somaliland.

Lama oga ajandayaasha rasmiga ah ee ay ka wada hadli doonaan Augustine Mahiga iyo masuuliyiinta Somaliland, hase yeeshee waxaa loo malaynaayaa in qodobada ay xoogga saari doonaan ay kamid tahay xaaladda abaarta ee ka jirta guud ahaanba Soomaaliya iyo qodobo kale oo aan iminka la shaacin.

Ilo ka agdhow Mahiga ayaa sheegay in danjirahu safar caynkan ah ku tegi doono gobolada Puntland wallow aan warkaasi la xaqiijin.

BTS

Related Items


Leave a comment