Maxamed Dheere oo xabsigi laga sii daayay

Sunday March 27, 2011 - 16:04:33
0 Comments
1304
Super Admin
Maxamed Dheere oo xabsigi laga sii daayay
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) ayaa maanta dib u helay xorriyaddiisii ka dib marki maxkamad lagu soo taagay Muqdisho ay go`aamisay in lasii daayo.

Gudoomiyaha maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo saxaafadda la ahadlay ayaa sheegay in Maxamed Dheere lagu waayay wax dambi ah, sidaa daraadeedna dib loogu celiyayay xorrriyaddiisii.

Sidoo kale Maxamed Dheere oo isna isla goobta saxaafadda kula hadlay ayaa soo dhaweeyay go`aanka ay maxkamadda kusii daysay, waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay dib u helidda xorriyaddiisa.

Maxamed Dheere ayaa ku jiray gacanta dowladda ku dhawaad laba bilood, waxaana maxkamadiisa maanta soo xaadiray masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo dadweyne qaar qaraabo la ah.

Waxaa lagu eedeeyay oo lagu soo xiray in uu ka dambeeyay rasaas lagu furay shacab ku dibad-baxayay degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.

Qareenada Maxamed Dheere ayaa maanta ka dalbaday maxkamadda in la siiyo magdhow gaareysan malaayiin dollar.

Siyaasi2120@hotmail.com

Related Items


Leave a comment