Fernando Torres oo u hanjabay kooxda Man. United

Wednesday March 30, 2011 - 01:12:37
0 Comments
1445
Super Admin
Weeraryahanka xulka Spain iyo kooxda Chelsea Fernando Torres ayaa sheegay in Manchester United aysan haweysan karin in ay u talaabto sama finalka horyaalka Yurub.
Torres oo la hadlayey jariiradda the sun ayaa waxaa uu sheegay in kooxdiisa Chelsea ay ka adagtahay kooxda shayaadiinta cas ee Manchester United,isagoo tilmaamay in qaar kamid ah cayaartoyda Man Utd ay cabsi lasoo deristo marki ay la ciyaarayaan Chelsea.

“Run ahaanti waa lawada ogsoon yahay in Chelsea ay ka adagtahay Manchester United, iyadoo sidaa uga adakeyd ayaa hadane kooxda waxaa ku soo biiray aniga iyo difaaca xulka Brazil David Luiz marka waxaan aamin sanahay in aan ku guuleysan karno koobka Champion’s Legue-ga”, ayuu yiri Torres.

Mar wax laga weydiiyey sababaha ka hortaagan gool dhalinta ayaa waxaa uu sheegay in uusan weli si rasmi ah ula qabsan cayaartoydiisa, balse uu xusay inuu rajeynayo in wixi xiligan ka danbeeya uu noqan doono gool dhaliye wanaagsan.

Xidigan da,da yar ee reer Spain ayaa 31-di bishii Janaayo ee sanadkan kooxda Chelsea kaga soo biiray Liverpool, waxaana tan iyo markii uu ku soo biiray uu u saftay 7 kulan,iyadoo wax gool ahna uusan dhalin todobadaasi kulan.

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment