R/wasaare Farmajo oo hey`adaha Q/Midoobay ee Nairobi fadhiya u qabtay 90 maalmood

Tuesday April 05, 2011 - 09:08:58
0 Comments
1242
Super Admin
Ra`iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta u qabtay mudo 90-maalmood ah hey`adaha Qaramada Midoobay ee ku shaqada leh arrimaha Soomaaliya in ay usoo guuraan gudaha dalka Soomaaliya.

Shir jaraa`id uu ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayuu ku sheegay ra`iisal wasaaraha in sii degenaanshaha hey`adahaasi magaalada Nairobi aysan wax dan ah ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Soo guurista hay’adaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho ayuu sheegay in ay wax badan ka beddeli doonto xaaladda guud sida amniga, abuurista shaqooyin, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka guud oo ay bulshadu si weyn ugu baahantahay.

"Mar haddii uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon iyo Ergeyga gaarka ah Augustine Mahiga, ay sheegeen inay ka go’antahay in dhammaan hay’adaha QM loo raro Muqdisho, waxaa la joogaa waqtigii laga dhabeyn lahaa ballan qaadyadaas", ayuu yiri ra`iisal wasaare Farmaajo.

Waxa uu intaa raaciyay in dowladda Soomaaliyeed ay ka codsaneyso Qaramada Midoobay in ay arrinkaas siiyso muhiimadda ay leeyahay oo ay muddada 90- maalmood gudahood ugu soo guuraan caasimadda Soomaaliya.

Hadalka ra`iisal wasaaraha ayaa kusoo beegmaya xilli ay xukuumaddiisu diiday ka qeyb galka shir uu ku baaqay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Augustine Mahiga kaasoo dhawaan ka dhacaya magaalada Nairobi.


Wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir isha wararka

www.Burtinletimes.com

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment