Garoowe: Mas’uulkii Hay’ada PDRC oo goor dhow lagu dilay Magaalada Garoowe

Thursday April 07, 2011 - 05:32:14
0 Comments
994
Super Admin
Garoowe : Mas’uulkii Hay’ada PDRC oo goor dhow lagu dilay Magaalada Garoowe

Garoowe:Wararka goor dhow oo duhuradii ah naga soo gaaraya Magaalada Garoowe Xarunta Dowlada Puntland ayaa sheegaya in meel u dhow madaxtooyada lagu dilay sarakaalkii u saryay Hay’ada PDRC ee cilmi baarista .

Warka ayaa intaasi ku daraya in kooxo hubeysan ay rasaas la dhaceren sarkaalka oo watay gaari gaar ah isaga ilaalidiisa waxaana sidoo kale khasaare uu soo gaaray qaar ka id ah ilaalada sarkalkaasi Alle ha u naaristee.

Marxuum Maxamed Yaasiin Ilkacase waxaa la geeriyooday mid ka mid ah ilaaladiisa halka 2 kale ay dhaawacyo soo gaareen markii rasaas ooda looga qaaday gaarigii uu watay gudoomiyaha Hay’ada PDRC.

kooxihii dilka fuliyay waxaa la sheegay inay baxsadeen markii ay dilka fuliyeen gaar ahaan afaafka hore ee Maxkamada garoowe.

Dilka ka dib ciidamo badan oo Boliis ah ayaa soo gaaray goobtii dhacdadaasi ka dhacday waxayna baaritaano kula dhaqaaqeen nawaaxiga halkii Gudoomiyaha PDRC lagu dilay waxayna wararka qaar sheegayaan inay dhowr qofood u qab qabteen falkaasi.

wixii warar ah ee ku soo kordha kala xariir isha wararka

Burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment